Wednesday, 1 July 2020

Lixdan jirsataye boqolku see ugu buuxsami doonaa?

Maanta waxaa loo dabaal dagayaa lixdan jirsashada dalka Soomaliya, dadka soomaliyeedna waxay isugu hambalyaynayaan lixdan gu' jirsashada dalkaas ku magacaaban oo ay nasiib u yeesheen in iyagoo hal qowmiyad ah helaan dal aan iyaga lagu taraxin taasoo ka duwan in badan oo dalalka qaaradeena Afrika ah ama caalamkaan xuduudaha daleed u kala qaybsan, in qowmiyadda soomalidu dal hesho waa fursad runtii ka badbaadisay isqab-qabsi qowmiyadeed laga yaabo inay ku kala duwan yihiin dhaqamadda, diimaha, luqadaha amase midabka iwm, taasoo keenta inta badan isku dhacyo dhexdooda ah iyo kala qoqobnaan dadka dalalkaas ku wada nool ah, marka laga reebo dalalka dajisaday xeerar wada noolaansho cadaalad ku salaysan ayna wada dhowrtaan taas oo saamayntii kala duwanaanshaha ay shiiqisay danta ay wadaagaan ee ay wada ilaashadaan.

Dad meel ku wada nooli waxaa dabiici ah inay u baahan yihiin maamul dhexdoodana kala ilaaliya, wixii dhib ah oo dibadda uga imaanayana ka ilaaliya ileen waa duni halgan nololeed cid walbaahiba ku jirtee, maamuladaas dhismay noocay doonaan ha ku dhismeene waxaa asal ama aasaas u ah u adeegidda bulshadaas si cadaalad ah taasoo ah tan isku haysa bulshadda ama kala firdhisa.

Dadkeena soomaaliyeed lixdankaas sano sodon sano dawladnimo bay haysatay qaabkeedii iyo dhaqamadeedii wax waa laga sheegi karaa lakinse nidaam baa u dhisnaa, dadkuna nabad buu ku qaatay xilligaas intiisii badnayd, nasiib daro ma sii waarin oo waxaa ka danbaysay dagaalo sokeeye, burbur, qax, qaxootinimo iyo wax kasta oo bulsho nidaam ka burburay ku dhici kartay, dadkii qaar dalkoodii bay joogeen iyagoo makhraati ka noqday musiibooyin abaaro leh, colaado aan dhamaad lahayn,argagixiso,burcad-badeed,dano shisheeye iwm,  halka kuwii qurbaha aadayna ee qaaradaha badweyntu u jeexay si ay nolol wanaagsan iyo nabad u helaan ay u tageen bulshooyin dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ka duwan iyo tan ugu muhiimsan oo ah ka qaab nololeed duwan, taasoo ay u sii dheertahay dhaqamo aysan dalkoodii ku aqoon ay wajeheen sida cunsurinada midabeed, diimeed ama dhaqameed intaba.

Waxaasi Waa dheceen oo cashar in laga barto weeye mustaqbalkana saan bulsho ahaan nolol tii la soo maray iyo tan maanta dhaanta gacmeheena ku qaabaysano maahane xal kale oo inoo furan ma jiro, marka su'aashu waxay tahay maxaa nala gudboon si aynu ugu noolaano kulligeen nolosha ugu heer saraysa ee bulsho caalamkaani ku nooli haysato?

Khibradaha aan colaadaha sokeeye ka baranay waxaa ka mid ah in qabiil-qabiil aynaan u noolaan karin, dhexdeenuna aynaan isku nabad galinayn aysanna macquul ahayn in qabiilku boos dawladeed u buuxiyo bulshada, waa laga yaabaa humaag aan waarayn inuu sawiro lakinse runtu waxay isugu biyo shubanaysaa dhalanteednimadiisa oo cadaata iyo mushikalado aan dhamaanayn oo dib u abuurma.

Waxa kaliya ee na isku kaaya hayn kara waa dawladnimo qof kasta oo soomaali ahi u siman yahay, xuquuq buuxda ku leeyahay, aan cidi ka xigin, uusan cid ka xiginsan, ka fog rabitaanadda gaar ahaaneed ee qabiileed/kooxeed ayna hagaan shuruuc  bulshadu isla ogoshay oo ilaalinaysa xuquuqdooda fikir, maal iyo sharafeedba in lagu xadgudbo.
Mid qofka qofka u ogol inuu dhibtuu tabanayo ku xalisto sharci uu aaminsan yahay inuu leeyahay, waa mid qofka muwaadinkaa siinaysa xuquuq uu ciduu rabo maamulka ugu dhiibto, ciduu rabana uga qaato, waa xuquuq dareensiinaysa jacayl uu dalkiisa u qaado aan afka baarkiisa ahayne qalbigiisa ku dhigan.

Wednesday, 27 May 2020


Biriqda ama Danabka iyo khatarteeda qaababka looga gaashaaman karo.
Protecting Your Trees From Lightning Damage - Rawson Services
https://www.rawsonservices.com/wp-content/uploads/2016/03/LIGHTNING-TREE-A.jpg

1. Biriqidu ama danabku waa qulqul danab aad u sareeya (High electric current) oo inta uu jirkaaga dhex maro kadibna dhulka u gudbaya isagoo raacaya xididada jirkaaga qarxinayana xubnaha uur ku jirtaada il-birqsi wax ka yar, khatar nafeed bayna kuu gaysan kartaa hadii ay toos kuugu dhacdo iyo hadii ay agagaarkaaga ku dhacdo.
2. Hadii aad aragto in timaha ama xaadda jirkaagu istaageen ogow waad danabaysan tahay (Charged), isku day inaad is dajisid kadaloobsatid labadaada lugoodna isku dhajisid kadib madaxaaga gali labadaada lugood dhexdooda gacmahaagana dhagaha ku daboolo, wax bir ah hadaad wadatidna iska tuur,hadii aad geedo dhaadheer hoos joogtidna ka durug agtooda.(Wax kasta oo jooga dhulka ka sareeya waa khatar waana beegsiga koowaad ee biriqda ).
3. Hadii aad maraysid dhul banaan ah roobna da'ayo, onkodna uu jiro ogow khatarta ay kuugu dhici karto aad bay u saraysaa isku day inaad ku gabatid meel aamin ah, sidoo kale hadii aad koox tihiin kala fogaada si aydaan khatarta soo jiidashada u kordhin amase midkiin kan kale ugu gudbin qulqulka danabka sidaas si lamid ahna xoolaha khaasatan geela oo ah xayawaan dhaadheer yaan la xaraynin haduu xaraysan yahayna oodda halaga qaado hana la kala durkiyo ( Khatartii soo jiidashada danabkuna waa yaraanaysaa khatartii ay ugu kala gudbi lahaydna sidoo kale )
4. Meelaha ugu amni badan ee lagu gaban karo waxaa ka mid ah baabuurta qafilan ( muraayaduhu xiran yihiin ), sidoo kale guriga inaad ku jirtid adoo xargaha korontada ka saaraya telefishinka,computer-ka iwm si aysan u ciladoobin saamayn ka dhalatay biriqda darteed.

Sunday, 12 April 2020


Cudurka Korona seen u wajahnaa?

Türkiye'deki ilk Corona Virüs vakası ve 14 gün kuralı | Atlas



Sidaan wada ognahay sanadkaan labaatan labaatan sidii uu u bilaabmayba waxaa aduunkii ku faafay Virus isaga kala gudbay qaaradaha ugu danbayna dalalkii oo dhan ee caalamka hal mar weerar ku qaaday haba u darnaadeen dalalkii iyagoo war moogayaal ah uu gaaday iyo kuwii markii ay dhayalsadeen uu sida arxan darada ah u baabi'iyey iyo sidoo kale kuwa makhraatiga ka ah waxa dhacaya ee midiyiha loo soofaysanayo daawanayana siduu wax yeelayo waliba kala soocid la'aantiisa dadka da', jinsi, diin iyo deegaan ahaanba.

Waxaas oo dhan waan aragnay, waxaan daawanaynay walina daawanaynaa dalalkii caalamka ugu tunka waynaa ee dhakhaatiir, qalab caafimaad iyo daawooyinka aasaasigaa haysashadooda lagu tuhmayay siduu kumanaanka uga laayey walina u wado, laba ama sadex jibaarkoodna u soo ridanayo maalin kasta oo Alle keeno iyaga oo wixii karaankooda ahaa sameeyey, xakamayntiisana ku dadalaaya weli!
(Waxaad sawirataa dalalkaas qaarkood bilyan iyo barka yihiin halka qaarka kalena ah badankoodu boqolka milyan ku dhaw yihiin markuu ku dhacay 2% shacabkooda intuu xilliga kooban uga laayay hadii uu 100% ku dhici lahaa shacabkooda oo ay is dhiibi lahaayeen intee milyan oo shacab ah baa ku naf waayi lahayd? )


Aan u soo noqdo ka Soomali ahaan maxaa nala gudboon?

Qof kasta oo naga mida wuu ogyahay qalabka, daawada iyo dhakhaatiirta caafimaad ee aan haysano inaysan nagu filnayn una babac dhigi karin hadii uu ku faafo bulshadeena dhexdeeda, taasoo ay noo dheer tahay inaynaan haysan nidaam dawladeed oo dalka wada gaara, masuuliyadii iyo dawrkii dawladeed qaata,umadda abaabula, muwaadiniintuna uga seexdaan arimahaan iyo xalkooda,  ee si aan arimahaan u waajahno maxaa wadaa oo inoo furan inaan samayno?

Khibradda laga soo xigtay dalalkii uu cudurkaani ka bilaabmay ee dagaalka ba'ani dhex maray ee uu daqarada muuqda gaarsiiyey lakinse markii danbe guushu iyaga raacday bulshadoodiina intoodii badnayd badbaaday waxay noo sheegaysaa halka qaab ee looga adkaan karaa inay tahay in loo midoobo oo bulshada qaybeheeda oo dhani abaabulnaato dal-dalool uu ka soo galana loo diido..

Maxaan samayn karnaa oo see isu abaabuli karnaa?

Marka koowaad hala is wada saaro masuuliyad shakhsi shakhsi ah hana la aamino in qof walba oo inaga mida uu u yahay musharax cudurkaani ku dhici karo, uuna dili karo amase uu dili doono dadkiisa uu jecel yahay, sidaas darteed ay masuuliyad kaa saaran tahay, aadna u diyaar garowdid inaad ka mid noqotid askarta ka hortagi doonta cadawgaas iskana ilaalisid wax kasta oo aad garab ama taageero ugu noqon kartid.

Midda labaad waa inaan diyaarsanaa istaraatiijiyad aan ku wajahayno cudurkaan, waa inay noqotaa istaraatiijiyad ka bilaabmayso heer qaran kuna dhamaanaysa heer qofeed.


Istiraatiijiyad guud : 
      
Maadaama aynu nahay bulsho muslim ah waa inaynu mar kasta u noqonaa Allahii na abuuray ee cudurkaanna keenay, aaminaad buuxda anagoo ku qabna ka barinaa inuu naga dul qaado nooguna naxariisto daciifnimadeena iyo taag darideena intaas kadibna aynu dadaalnaa oo aynaan is dhigan sida diinteenu qabto, iskuna waafaqnaa kulligeen waxa inoo wada danta ah oo ay ugu muhiimsan tahay in aan cudurkaan ka guulaysano dhamaanteen khasaarihiisa kala duwan ee uu noo gaysan lahaana uga badbaadi lahayn ama sida ugu fudud uga gudbi lahayn xilligaan adag, qof kastaana u hogaansano talooyinka hay’adaha caafimaadka ay bixinayaan anagoo boqolkiiba boqol qaadanayna talooyinkooda.
        
  Istaraatiijiyad heer qaran:
  1. Sideen dalka uga ilaalinaa inuu soo gaaro cudurkaani ugana hor tagnaa in dibadda nalooga keeno. ( In kastoo cudurkii dalka yimid hadana waa inaan iska ilaalinaa inuu dalalka dariska nooga  yimaado mid intaan ka badan )
  2. In qof kasta oo dalka ku nool magaalo iyo miyiba la wacyi galiyo, xog dhamaystiran saxna ah laga siiyo siduu cudurkaan isaga ilaalin lahaa, ugana ilaalin lahaa bulshada kale hadii uu haleelo (Wacyigalin warbaahineed joogto ah) 
     
    ** Dawladeheena halaga codsado inay intaan sameeyaan. 
                                                       
 Istiraatiijiyad heer degmo/xaafad/tuulo: 

  1.  Sideen uga ilaalinaa/taxadarnaa degmadeena in cudurku uga yimaado degmooyinka kale ee dalka.  (Wakhtigeedii baa la joogaa hadda ) 
  2. Ma jiraan dad aan wacyi gashanayn oo wax wara ka hayn cudurkaan iyo qaabka looga hortagi  karo amase ku xad gudbaya go'aanadii caafimaadka guud ee bulshada lagu ilaalinayey?  Dadkaas dhabar-jabin kara dadaalkii bulshada maxaan ka yeeli karnaa seense uga dhaadhicin karnaa ?
  3.  Sideen uga badbaadinaa bulshada degmada inuu cudurku gudeheeda ugu faafo hadii bulshada qayb ka mida laga helo cudurka?
  4. Bulshada uu ku dhaco cudurku ee u baahda adeeg caafimaad oo dheeraad ah xagee la gayn doonaa, maxaanse u haynaa?  (Cudurkaani wuxuu weeraraa hab-dhiska neefsashada iyo sambabada ee maxaan awoodnaa mase heli karnaa Oxygen ama qalabyada lagu neefsado )
  5. Hadii cudurka bulshada qayb kamid ahi u geeriyooto seen ka yeelaynaa, si aan marxuumiinta si sharfanna ugu aasno, badqabka bulshadana u ilaalino.
    


Istiraatiijaydahaan yaa dajinaya yaase dhaqan galinaya?


Qof kasta oo dareensan dhibka arintaan, aaminsan inay waajib tahay inuu naftiisa iyo bulshadiisaba ka badbaadiyo aafadaan ku soo wajahan, waxay ka bilaaban karaan labo qof oo isxilqaamay, ururo bulsho, 
hay'ado dawladeed ( lakinse yaan lagu halayn ee halala kaashado dhaqan galinta ) iyo indheer garadka bulshada nooc kasta oo ay yihiin, intay isu tageen fikirkooda iyo awoodooda kala baahsan mideeyaan guddi arimahaan u xil-saaran noqdaan, iyadoo maanka lagu hayo hawshaan waa shaqo wadareed noo wada taala qof kastaahina ay tahay inuu uga qayb qaato wuxuu awoodo oo xoog, xoolo ama talo ah.

Ugu danbayn waa in qof kasta oo inaga mid ahi aaminaa in aynu wada saaran nahay hal doon oo   bad-weyn sabaynaysa qofkasta oo inaga mid ahina waajib ka saaran yahay badbaadinta doontaas uu saaran yahay, hadii meel yar biyo ka soo galaana ay tahay inaan u midowno sidii aan isaga moosi   lahayn ka hor intaan xaalku faraha ka bixin kana shalaayin hawshaani goortay wax ka qabad lahayd  inaanu dhayalsanay.



" Waa fikirkayga shakhsiyeed "



W/Q: Ahmed Abdisalam Yusuf
          Istanbul 12 - Abriil - 2020