Sunday, 12 April 2020


Cudurka Korona seen u wajahnaa?

Türkiye'deki ilk Corona Virüs vakası ve 14 gün kuralı | Atlas



Sidaan wada ognahay sanadkaan labaatan labaatan sidii uu u bilaabmayba waxaa aduunkii ku faafay Virus isaga kala gudbay qaaradaha ugu danbayna dalalkii oo dhan ee caalamka hal mar weerar ku qaaday haba u darnaadeen dalalkii iyagoo war moogayaal ah uu gaaday iyo kuwii markii ay dhayalsadeen uu sida arxan darada ah u baabi'iyey iyo sidoo kale kuwa makhraatiga ka ah waxa dhacaya ee midiyiha loo soofaysanayo daawanayana siduu wax yeelayo waliba kala soocid la'aantiisa dadka da', jinsi, diin iyo deegaan ahaanba.

Waxaas oo dhan waan aragnay, waxaan daawanaynay walina daawanaynaa dalalkii caalamka ugu tunka waynaa ee dhakhaatiir, qalab caafimaad iyo daawooyinka aasaasigaa haysashadooda lagu tuhmayay siduu kumanaanka uga laayey walina u wado, laba ama sadex jibaarkoodna u soo ridanayo maalin kasta oo Alle keeno iyaga oo wixii karaankooda ahaa sameeyey, xakamayntiisana ku dadalaaya weli!
(Waxaad sawirataa dalalkaas qaarkood bilyan iyo barka yihiin halka qaarka kalena ah badankoodu boqolka milyan ku dhaw yihiin markuu ku dhacay 2% shacabkooda intuu xilliga kooban uga laayay hadii uu 100% ku dhici lahaa shacabkooda oo ay is dhiibi lahaayeen intee milyan oo shacab ah baa ku naf waayi lahayd? )


Aan u soo noqdo ka Soomali ahaan maxaa nala gudboon?

Qof kasta oo naga mida wuu ogyahay qalabka, daawada iyo dhakhaatiirta caafimaad ee aan haysano inaysan nagu filnayn una babac dhigi karin hadii uu ku faafo bulshadeena dhexdeeda, taasoo ay noo dheer tahay inaynaan haysan nidaam dawladeed oo dalka wada gaara, masuuliyadii iyo dawrkii dawladeed qaata,umadda abaabula, muwaadiniintuna uga seexdaan arimahaan iyo xalkooda,  ee si aan arimahaan u waajahno maxaa wadaa oo inoo furan inaan samayno?

Khibradda laga soo xigtay dalalkii uu cudurkaani ka bilaabmay ee dagaalka ba'ani dhex maray ee uu daqarada muuqda gaarsiiyey lakinse markii danbe guushu iyaga raacday bulshadoodiina intoodii badnayd badbaaday waxay noo sheegaysaa halka qaab ee looga adkaan karaa inay tahay in loo midoobo oo bulshada qaybeheeda oo dhani abaabulnaato dal-dalool uu ka soo galana loo diido..

Maxaan samayn karnaa oo see isu abaabuli karnaa?

Marka koowaad hala is wada saaro masuuliyad shakhsi shakhsi ah hana la aamino in qof walba oo inaga mida uu u yahay musharax cudurkaani ku dhici karo, uuna dili karo amase uu dili doono dadkiisa uu jecel yahay, sidaas darteed ay masuuliyad kaa saaran tahay, aadna u diyaar garowdid inaad ka mid noqotid askarta ka hortagi doonta cadawgaas iskana ilaalisid wax kasta oo aad garab ama taageero ugu noqon kartid.

Midda labaad waa inaan diyaarsanaa istaraatiijiyad aan ku wajahayno cudurkaan, waa inay noqotaa istaraatiijiyad ka bilaabmayso heer qaran kuna dhamaanaysa heer qofeed.


Istiraatiijiyad guud : 
      
Maadaama aynu nahay bulsho muslim ah waa inaynu mar kasta u noqonaa Allahii na abuuray ee cudurkaanna keenay, aaminaad buuxda anagoo ku qabna ka barinaa inuu naga dul qaado nooguna naxariisto daciifnimadeena iyo taag darideena intaas kadibna aynu dadaalnaa oo aynaan is dhigan sida diinteenu qabto, iskuna waafaqnaa kulligeen waxa inoo wada danta ah oo ay ugu muhiimsan tahay in aan cudurkaan ka guulaysano dhamaanteen khasaarihiisa kala duwan ee uu noo gaysan lahaana uga badbaadi lahayn ama sida ugu fudud uga gudbi lahayn xilligaan adag, qof kastaana u hogaansano talooyinka hay’adaha caafimaadka ay bixinayaan anagoo boqolkiiba boqol qaadanayna talooyinkooda.
        
  Istaraatiijiyad heer qaran:
  1. Sideen dalka uga ilaalinaa inuu soo gaaro cudurkaani ugana hor tagnaa in dibadda nalooga keeno. ( In kastoo cudurkii dalka yimid hadana waa inaan iska ilaalinaa inuu dalalka dariska nooga  yimaado mid intaan ka badan )
  2. In qof kasta oo dalka ku nool magaalo iyo miyiba la wacyi galiyo, xog dhamaystiran saxna ah laga siiyo siduu cudurkaan isaga ilaalin lahaa, ugana ilaalin lahaa bulshada kale hadii uu haleelo (Wacyigalin warbaahineed joogto ah) 
     
    ** Dawladeheena halaga codsado inay intaan sameeyaan. 
                                                       
 Istiraatiijiyad heer degmo/xaafad/tuulo: 

  1.  Sideen uga ilaalinaa/taxadarnaa degmadeena in cudurku uga yimaado degmooyinka kale ee dalka.  (Wakhtigeedii baa la joogaa hadda ) 
  2. Ma jiraan dad aan wacyi gashanayn oo wax wara ka hayn cudurkaan iyo qaabka looga hortagi  karo amase ku xad gudbaya go'aanadii caafimaadka guud ee bulshada lagu ilaalinayey?  Dadkaas dhabar-jabin kara dadaalkii bulshada maxaan ka yeeli karnaa seense uga dhaadhicin karnaa ?
  3.  Sideen uga badbaadinaa bulshada degmada inuu cudurku gudeheeda ugu faafo hadii bulshada qayb ka mida laga helo cudurka?
  4. Bulshada uu ku dhaco cudurku ee u baahda adeeg caafimaad oo dheeraad ah xagee la gayn doonaa, maxaanse u haynaa?  (Cudurkaani wuxuu weeraraa hab-dhiska neefsashada iyo sambabada ee maxaan awoodnaa mase heli karnaa Oxygen ama qalabyada lagu neefsado )
  5. Hadii cudurka bulshada qayb kamid ahi u geeriyooto seen ka yeelaynaa, si aan marxuumiinta si sharfanna ugu aasno, badqabka bulshadana u ilaalino.
    


Istiraatiijaydahaan yaa dajinaya yaase dhaqan galinaya?


Qof kasta oo dareensan dhibka arintaan, aaminsan inay waajib tahay inuu naftiisa iyo bulshadiisaba ka badbaadiyo aafadaan ku soo wajahan, waxay ka bilaaban karaan labo qof oo isxilqaamay, ururo bulsho, 
hay'ado dawladeed ( lakinse yaan lagu halayn ee halala kaashado dhaqan galinta ) iyo indheer garadka bulshada nooc kasta oo ay yihiin, intay isu tageen fikirkooda iyo awoodooda kala baahsan mideeyaan guddi arimahaan u xil-saaran noqdaan, iyadoo maanka lagu hayo hawshaan waa shaqo wadareed noo wada taala qof kastaahina ay tahay inuu uga qayb qaato wuxuu awoodo oo xoog, xoolo ama talo ah.

Ugu danbayn waa in qof kasta oo inaga mid ahi aaminaa in aynu wada saaran nahay hal doon oo   bad-weyn sabaynaysa qofkasta oo inaga mid ahina waajib ka saaran yahay badbaadinta doontaas uu saaran yahay, hadii meel yar biyo ka soo galaana ay tahay inaan u midowno sidii aan isaga moosi   lahayn ka hor intaan xaalku faraha ka bixin kana shalaayin hawshaani goortay wax ka qabad lahayd  inaanu dhayalsanay.



" Waa fikirkayga shakhsiyeed "



W/Q: Ahmed Abdisalam Yusuf
          Istanbul 12 - Abriil - 2020